audio stringlengths 90 93 | transcript stringlengths 37 96 |
|---|---|
sheegayayna wuxuu filayay isaguna in uu si la eg ugu farxo | |
laakiin wuxuu ku jawaabay dhiillo ha ka bixina weligood ma | |
dhiillo ayay ku jirayaan danayn la aanta danta xigaalka ee rooble | |
yarka waa ay kaga xanaajisay wuuna fahmi waayay wuxuu u | |
arkay fulaynimo bakhaylnimo tol nacayb iyo dhiigdarro kuwaas oo dhammaan | |
wada ah sifooyin aan nin sharaf iyo dadnimo ilaashanaya ku | |
habboonayn dabeecadda adeerkii wuxuu dhinac dhigay tii aabbihii waxaana u | |
soo baxay laba qof oo si walba u ka la | |
duwan sida uu uga xumaaday adeernimada rooble si la eg ayuu | |
ugu farxay aabbenimada mici libaax dhacdadaasi waxay ahayd tii ugu | |
horreysay kuwo badan oo raage ogaysiiyay ka la faquuqnaanta rooble | |
iyo tolka si uu shakhsiyadda adeerkii u fahmo wuxuu xasuusta | |
ka baadi goobay wax uu ka maqlay intii aanu u | |
iman laakiin ma uu xasuusan wax macno leh oo aan | |
ahayn hadal uu mar aabbihii ka maqlay kaas oo ahaa | |
rooble wuxuu igu yidhi ninkaa raage aan dad ka dhigo | |
oo meel ka soo saaro ee dhakhso iigu keen moodi | |
maayo qofku haddii aanu iskuul dhigan in uu dad noqon | |
karo xasuustaa yar wuxuu ka dhex helay xaqiiqo ah adeerkii | |
tacliinta in uu u arko dadnimada isla markaa doonayo isaga | |
in uu dad ka dhigo in kasta oo uu xaqiiqsaday | |
reerku in ay naxariis badan yihiin haddana aad ayuu ugu | |
hiloobay noloshii furfurnayd ee qoyskooda wuxuuna aad ugu hiloobay cayaartii | |
iyo kaftankii walaalihii laakiin qunyar qunyar ayuu u la qabsaday | |
una jeclaystay qoyska iyo magaalada qunyar qunyar ayuu u dareemay | |
in uu ka raystay noloshii qallafsanayd ee miyiga ina adeertii | |
leyla ayay si gaar ah isu fahmeen qudheedu ma ay | |
hadal badnayn waxa ay se u hadli jirtaey si nooc | |
kale ah oo ka duwan sidii hablihii yaryaraa ee uu | |
miyiga kaga yimid waxay ku hadli jirtay erayo waaweyn mararka | |
qaarkoodna wuxuuba moodi jiray in ay aad uga da weyn | |
tahay wuxuuna ku xasuusan jiray hooyadii tusaale ahaan si filanwaa | |
leh ayay ugu amri jirtay orod qubayso dharka iska | |
beddel halkan miyigii ha moodin iyo wax la mid ah | |
qallafsanaanta reer miyinimada darteed in kasta oo ay u taag | |
wayday waxay isku hawshay in ay indho iyo dhego u | |
noqoto si ay maskaxda uga qabsato waxa ay se ugu | |
yaab badnayd maalintii ay iyaga oo keligood guriga jooga wayddiisay | |
ma taqaan sida ay dadku isu uureeyaan wuu yaxyaxay laakiin | |
isaga oo iska ilaalinaya in ay ka ilhesho ayuu ugu | |
jawaabay haa waa sidee ayay sii wayddiisay adigu haddii aad | |
taqaan waa sidee markii ay aragtay in uu khajilay ayay | |
si islaweyni leh u tidhi inan fiican baad tahay waxaad | |
se tahay geeljire markaas waxaan kuu sheegayaa wax cilmi ah | |
waxaa isku darsama shahwada ragga iyo ugaxda dumarka dabadeed waxaa | |
ka abuurma ilmo waa isla sida ay xooluhu isu rimiyaan | |
hadalkeeda inta hore wax badan ka ma uu fahmin inta | |
dambe ayuu se tixraacay wuxuuna ku jikaaray dadka iyo xooluhu | |
ma isku mid baa haa xataa geela dadka iyo xooluhu | |
isku mid ma aha waxaas yaa kugu yidhi ayuu wayddiiyay | |
isaga oo mar la yaabban marna libta u diiddan daaradda | |
ayay joogeenee iyada oo aan u jawaabin inta ay gudaha | |
gashay ayay mid ka mid ah buugta hooyadeed la soo | |
orodday wax uu ahaa buug caafimaad oo leh sawirro waxayna | |
soo rogtay bogag ay ku sawiran yihiin xubnaha taranka dadku | |
si degganaan iyo isku kalsooni leh ayay bilaw ilaa dhammaad | |
ugu sharraxday sida ay xubnahaasi u abuuran yihiin iyo sida | |
ay u koraan sida ay isu galaan iyo sida ay | |
isu tarmiyaan waxay u egayd macallimad xariifad ah laakiin isagu | |
khajilaad ayuu la dhididay maalin kale iyada oo qolkeeda wiil | |
isaga la eg sariirta la galgalanaysa ayuu arkay dabadeed inta uu | |
inankii debedda u eryay iyadana ku canaantay mar dambe haddii | |
aan agtiisa kugu arko waan ku garaacayaa iyaduna waxay isu | |
difaacday si uu qaadan waayay iyada oo tidhi waanu isjecel | |
nahay ee adiga maxaa kaa galay dhaqanka miyiga ninku ina | |
adeertii difaaca sharafteeda mas uul ayuu ka yahay sidaas darteed raage | |
xil aan ka aabbaheed ka yarayn ayuu leyla iska saaray | |
laakiin dhaqan yaab leh oo uu ku wareeray ayuu qoyska | |
ugu yimid rooble qudhiisu dhawr jeer ayuu islaantiisa raage iyo | |
leyla hortooda ku dhunkaday kuna xoodaamiyay taas oo ahayd | |
caado raage indhihiisa ku cusub filinkii ugu horreeyay ee uu | |
galay oo ahaa filin caddaan ah ayuu dhaqankaas mar kale | |
ku arkay wuxuuna maleeyay in ay tahay halka uu adeerkii | |
caadadaa ka keenay wuxuu ka fekeray reerka uu u yimid | |
hodan iyo sabool mid ay yihiin xaaladdooda dhaqaale mar wuxuu | |
dhinac dhigay aabbihiisa geela badan mar kalena qoysas deriska ah | |
uu noloshooda wax ka arkay laakiin waa ay ku adkaatay | |
in uu xukumo marka uu eego baabuur la aanta odayga iyo | |
dahab la aanta islaanta ee uu qoysaska deriska ah qaarkood ku | |
arkay isla markaana eego xoolo la aanta gaadhsiisan in ay xataa | |
caanaha soo iibsadaan waxay la noqotaa in ay yihiin foqoro | |
laakiin haddana marka uu arko guriga ay deggan yihiin ee | |
meesha ugu fiican hodan kaga yaal buugaagta armaajada weyn ku | |
teedsan ee weliba intaa la soo kordhinayo cuntada guriga laga | |
cuno ee aad uga fiican tii miyiga jimce walba sida | |
ay qoyska oo dhami shineemo u galaan iyo sida ay | |
mararka qaarkood odayga iyo islaantiisu ruwaayad u aadaan markaas malihiisu | |
wuxuu u bataa in uu la nool yahay reer ladan | |
guriga marka ganjeelada laga soo galo albaabka waxaa ka soo | |
horraysa daarad aan sidaas u weynayn laakiin nadiif ah oo | |
geed weyn oo mirimiri ahi ka dhex qotomo shanta qol | |
ee uu ka kooban yahay ka ugu shisheeya waxaa leh | |
odayga iyo islaanta ka bidix ka xiga waxaa leh leyla | |
mid keeda ka soo horjeeda waxaa la dejiyay raage ka | |
ugu sokeeya ee kijada ku xigaa waa ka fadhiga mid | |
shanaad oo kijada ka soo hor jeedaana waa ka akhriska | |
rooble waa nin tacliinta iyo wax akhriska aad u jecel | |
ingiriiska ayuu jaamacad kaga soo baxay dabadeed shaqo uu markaas | |
ku faraxsanaa wasaaradda waxbarashada ka helay dhaqanka wax akhris badnaanta | |
ah oo uu qoysku ka siman yahay isaga ayaa hormuud |
End of preview. Expand in Data Studio
README.md exists but content is empty.
- Downloads last month
- 5